Fursad hogaan oo mushaar leh

King County Metro waxay raadinaysaa dadka ku nool, ka shaqeeya, iyo/ama u safraya Deegaanka South King si ay ugu biiraan Guddiga iskusocodka ee South Link Connections. Hadafka South Link Connections mashruuca waa in la hagaajiyo isku xirka gaadiidka marka tareenka fudud ee Link uu sii fido ilaa 2026. Metro waxay raadisaa talada bulshada oo ku aaddan qorshaha adeegga baska, ku xirnaansha bulshada, iyo talooyinka:
  • Ku xidhida macaamiisha tareenka xarumaha cusub ee tareenka Link ee Kent Des Moines, Star Lake, iyo Federal Way Downtown
  • Yaraynta mar isla dulssarida adeega baska iyo tareena fudud ee Link (Link Ligth Rail)
  • Hagaajinta fursadaha iskusocodka, gaar ahaan kooxaha taariikh ahaan si siman loogu adeegi jirin
  • Xaqiijinta ka-qaybgalka bulshada sida cadaalad ah oo loo dhan yahay of macaamiisha jirta iyo kuwa mustaqbalka ee geedisocodka qorshaynta
Metro waxay higsaneysaa inay sameyso Guddiga iskusocodka oo si siman u matala kooxo dad ah oo taariikh ahaan laga reebi jiray wada-hadalada go'aan-qaadashada ee la xiriira gaadiidka iyo kuwa si aanan loo sinneeyn u saameeyeen go'aamadan. Kuwan waxaa ka mida ah Madow, dadka dhulkan asal ahaan u dhashay, iyo dadka midabkaaan cadaan kahayn leh; dadka qaba naafo laxaadka iyo/ama garaadka; dadka dakhligoodu hooseeyo ama aanba lahayn dakhli; muhaajiriinta iyo qaxootiga; iyo bulshooyin kala duwan xagga afafka. Waxaan sidoo kale raadineynaa matalaada dadka waaweyn, ardayda iyo dhalinyarada, iyo dadka loo aqoonsaday inay yihiin LGBTQIA+ ee kooxahaas.

Codsiyada Guddiga Iskusocodka waxa la aqbalayaa hadda May 10, 2024. 

Dadka codsiga soo gudbista oo bixiya macluumaadka xiriirka oo sax ah waxaa la ogeysiin doonaa go'aanka aqbalidda bisha Juun. Kulamada ugu horreeya waxa la qaban doonaa badhtamaha illaa iyo dhamaadka Juun 2024-ka iyada oo taariikhda saxda ah lagu go'aamin doono sida hadba xubnaha guddiga loo helo karo.

Codsigan wuxuu qaadan doonaa qiyaastii 30 daqiiqo in lagu buuxiyo Haddii aad wax su'aalo ah qabtid ama aad jeceshahay in codsigan laguugu soo diro iimayl ama waraaq ahaan boostada laguugu soo diro, fadlan u soo dir haveasay@kingcounty.gov ama wac (206) 263-9768.
 
25% of survey complete.

T